Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo tacsiyeeyey shacabkii lagu laayey Muqdisho.

December 11, 2016 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa kaga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraamabada iyo dhammaan shacabaka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen Muqdisho.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun, qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan kaga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay qaraxii maanta kooxha nabad diidku ka geysteen agagaarka dekadda Muqdisho, Waxaan Eebbe kaga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Allaah caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Ammaanka inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxahahaani sida gaarka ah u bartilmaameydsanaya goobaha shacabka .

Ugu dambeynti, Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamadda ammaanka inay sii laba-laabaan dedaalkooda ku aadan inay shacabka ka ilaaliyaan weerarada Kooxaha Nabad diidka u geysanayaa islamarkaana , wuxuu madaxweynaha kaga mahad-celiyey ciidamadda sida ay uga hortageen weeraro dhowr ah oo shacabka lala damacsanaa.

–Dhammaad–

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online