Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka QM Uqaabilsan Soomaaliya oo kulmay (Masawiro)

December 31, 2016 - Written by Editor

img_1141Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta 31 December 2016 magaalada muqdisho kulan kula qaatay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating.

Kulanka ay yeesheen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wakiilka qaramada midoobey Mr Michael Keating ayaa waxa uu ka qabsoomay xafiiska qaramada midoobey ee magaalada muqdisho, waxaana lagaga wada halay arimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horay uga xogwaramay safiirka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland waxaana uu tilaamay madaxweynu in Dawladda Puntland iyo shacab keeda oo iskaa shanaya ay u fidiyeen gurmad dadka abaartu wax yeelaysay, hase ahaateeh aanay ku filayn intaasi ee ay u baahan tahay inay gacan ka gaystaan beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay inay ka wadda haleen safiirka doorashadda Soomaaliya ee haatan maraysa gebagebadda, islamarkaana waxa uu madaxweynu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu markasta diyaar u yihiin sidii ay guul ugu dhamaan lahayd doorashadu loona heli lahaa dawlad lagu soo doortay daanaha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating ayaa dhankiisa timaamay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qataan abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland, islamarkaana ay la wadaagidonaan dawladdaha xunaha ka ah qaramada midoobey sidii loo caaawinlahaa dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland.
Dhinaca kale ambassador Michael Keating ayaa Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay sidii hufnaynd ee ay meel uga soo wadda jeesteen qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka.

Ugu danbayn, madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shegay in Dawladda puntland iyo shacabkeedu diyaar u yihiin dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya , islamarkaana ay meel uga soo wada jeedaan inay ku qabsoonto doorashadu wakhtigii loogu talo galay.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online