Musasada EMA oo Heshiis la gashay Jaamacada Madiina Al-Caalamiya ee dalka Malaysia .(Masawiro)

December 30, 2016 - Written by Editor

12-1Waxaa heshiis dhanka waxbarashada wada saxiixday Musasada EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION (EMA ) iyo Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya ee dalka Malaysia waxaana heshiisku uu guul weyn u yahay Musasada EMA oo ah Musaso ka howlgashha kuna mideysan yihiin qaar ka mid ah Maraakista wadamada Nordic .

Musasada EMA waxaa ay xarunteedu tahay wadanka Sweden waxayna ka kooban tahay musasadu Gole Tanfiid iyo Gole Shuure.

Caalamaka aan maanta aan noolnahay wuxuu ku dhisanyahay iskaashi & isku tiirsanaan iyo Musasaat taas iyada oo ay ka duulayaan culumada iyo ducaada wadamada Nordic ayey qaateen talooyinkii labada Sheekh ee Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Maxamed Idirs Axmed.

2012 ayaa wadamada Nordic safar dacwo waxaa ku yimid wafdi culumo  Soomaaliyeed ka mid ah waxay ducaadda Wadamada Nordic-ka u soo jeediyeen talooyinkan hoos ku xusan.

1-Inay Ducaada wadamada Nordic awoodooda mideeyaan, iskana kaashadaan dacwada
2- Inay samaystaan mu`asaso sharci ah oo ka diiwaan gashan wadamada Nordic
3-Inay xoog saaraan dacwada jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Nordic iyo muslimiinta kale
4-In ay la jaan qaadaan dacwada muàsaatiga ah dalkii soomaliya & diabada ka hana qaaday.

22/11/2012 waxaa kulankii koowaad isugu tagay Helsinki-Finnland qaar ka mida ducaadda & culimada wadamada ay fariinta culimadu ku socotay. Kulankaas waxaa la isku raacay in dhidibada loo aaso waxaana la isku raacay in magacaga musasadu uu noqdo EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA) Kulankaas waxaa ka qayb galay culumada iyo ducaada  ka kala socoday wadamada Finnland, Sweden & Denmark iyo Norway.

Intaas ka dib EMA waxay qabatay hawlo muhiim ah & kulamo dhawr ah oo dhammaantood ahaa dhidibo u taagiida EMA kulankii u danbeeyay ee EMA wuxuu ka dhacay Sweden- Våstrås, kulankaan oo ahaa mid aad xooga loogu saaray sidii EMA loo hormarin lahaa.

Musasat EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA )waxaa laga diiwaan galiyey si sharci ah wadamad Nordic-ka waxaana ay muhimadeedu tahay faafinta Dacwada Islaamka ee saxda ah.

Heshiiska Musasada Ema ay la gashay Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya waxaa u saxiixay Sheekh Dr Cabdi weli Maxamed Xaji Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Golaha Shuurada ee Musasadda EMA.

Heshiiska ay la Gashay Ema Jaamacada Madiina Al-Caalamiya ayaa waxaa sidoo kale muhiim uu u yahay dhamaan jaaliayaha Islaamka ee ku dhan Yurub ee raba in ay galaan qeybaha kala duwan ee Jaamacada Islaamiga ee Madiina waxaana Jaamacada Wakiil u ah Musasada EMA oo ay la soo xiriiri karaan cid walba oo rabta in ay wax ka barato Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya.

Halkan ka eeg Heshiiska Dhexmaray Musasada EMA iyo Jaamacada islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya

Wixii Faahfaahin ah waxaad kala Xiriiri kartaa Gudoomiyaha Tanfiidka Musasada EMA Sh Mukhtaar Carab

Mareegta Musasada EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA) Halkan ka Eeg waxaa wili ku socda Dhismo

Halkan ka Eeg Sh Dr Cabdiweli oo ah xubin ka tirsan Shuurada musasada EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA ) oo booqday Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya.

Maamulka Musasada EMA
Malaysia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online