Shirka golaha wasiiradda ee Puntland oo lagu ansaxiyey Miisaaniyada 2017 (Masawiro)

December 11, 2016 - Written by Editor

img_8671Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 11 December 2016 shir gudomiyey Shirka golaha wasiiradda ee Dawlada puntland.

Shirka golaha wasiiradda ee Dawladda Puntland ayaa waxaa manta lagaga arinsaday ansixinta misaaniyada 2017 ee Dawladda Puntland, ansixinta xeerka ilaalinta iyo maaraynta degaanka ee Dawladda Puntland iyo sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkiisii u ku tegey wadamada Asia iyo Africa wax yaabihii uga soo qabsoomay.

Ugu horayn madaxweynaha  Dawladda puntland ayaa ka warbixi safarkii u ku tegey wadamada Shiinaha, Itoobiya iyo kenaya, waxaana uu shegay in uu ahaa mid muhiim u ah Dawlada Puntland iyo shacab keeda, islamarkaana ay ka gareen madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminayey guulo waawayn oo waxtar  u ah horumarka Dawladda Puntland.

Shirka golaha wasiirada Dawladda Puntland  ee uu shir gudoominayey madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ansixiyey misaaniyada 2017 ee Dawladda Puntland, sidoo kale waxaa xogo ku saabsan misaaniyadii hore ee sanadkan 2016 laga dhegaystey masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee Dawladda Puntland oo qayb ka ahaa shirka.

Dhinaca kale shirka ayaa waxaa lagu ansixyey xeerka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka ee Dawladda Puntland, oo wax badan ka bedeli doona Deegaanada Puntland,  islamarkaana muhiim u ah ilaalinta iyo maaraynta wax yeelada loo geysto degaanka.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey golaha wasiirada iyo hawaldeenada masuulka ka ah miisaaniyada 2017 ee Dawlada Puntland iyo  xeerka la ansixiyey ee ilaalinta iyo maaraynta degaanka Puntland in la hirgeliyo, loona dhaqan geliyo sidii loo asteeyey.

–DHAMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online