Xaflad lagu soo gunaanaday tartankii kooxaha raabidada ee dalka Sudan.[Masawiro]

December 4, 2016 - Written by Editor

img-20161202-wa0019Sudan:-Habeenimadii jimcaha ee ku beegnayd 2/12/2016 ayaa waxaa ka dhacday caasimada Khartuum ee wadanka Sudan, xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo gunaanaday tartan mudo bil ah u soo socday 8 kooxood oo ka mid ah ardayda ka diiwaan gashan xiriirka ardayda soomaaliyeed ee Suudaan, Tartanka oo looga gol lahaa dardargalinta tayada aqooneed ee ardayda iyo muujinta halabuurkooda ayaa xaqiijiyey dhamaan yoolashii laga lahaa sida ay sheegeen maamulka ururkaas.

Xafladda ayaa lagu gudoonsiiyey kooxihii kaalimaha hore ka galay tartanka abaalmarino ay ka maqsuudeen iyo shahaado sharafyo, halka ay culumadii iyo aqoonyahankii kulanka kasoo qaybgalay ay ku booriyeen ardayda inay dadaalkooda sii laban laabaan, waxaana khadka teleefoonka uga qaybgalay Sh. Axmed C/samad oo ka mid ah culumada iyo ducaada ugu caansan wadanka Soomaaliya.

Ugu danbayn kasoo qaybgalayaashii xaflada iyo ardaydii tartamaysayba waxay mahad balaaran usoo jeediyeen maamulka ururka, oo looga bartay waxqabad iyo wacyigalin joogto ah oo uu u sameeyo ardayda iyo jaaliyada soomaaliyeed ee Sudaan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online