Xarunta Cilmi Baarista ee “Himilo Institute” oo laga hergaliyey Puntland (Masawiro)

December 3, 2016 - Written by Editor

untitled-1Garoowe:-Xarunta cilmi baarista “Himilo Institute for Educational and Scientific Research” waxaa dhowaan laga furay magaalada Garoowe ee caasumadda dowlad goboleedka Puntland. Xaruntu waxay dhowaan ku soo bandhigtay shirweynihii 3-aad ee waxbarshada ee lagu qabtay garoowe cilmi baaris ku saabsan waxbarshada gaar ahaanna ardada leh baahida khaaska ah.

Cilmi baaristan oo cinwaan looga dhigay “The Plight of Children with Special Educational Needs: How is the Education in Somalia Inclusive” waxay ifisay dhibaatooyinka hortaagan waxbarista ardada leh baahiyaga khaasta ah oo yeelan kara wejiyo badan sida in ardaygu yahay naafo xubin jirka ka mid ah ama uu naafo ka yahay dhanka dareemayaasha ah. Waxaa kale oo laga yaabaa in ardaygu uu leeyahya baahiyo qarsoon oo dhaawici kara waxfahamkiisa ama in uu la qabsado heerka waxbarasho ee ee loo diyaariyey ardayga isagu aan lahayn baahidaan qaaska. Wixii faah-faahin dheeraar ah oo ku saabsan cilmi baaristaan oo ku qornayd luqadda English-ka iyo natiijadii ka soo baxday waxaad si tooas ah uga soo degsan kartaa website-ka xarunta (www.himiloinstitute.org) and lifaaqan (http://himiloinstitute.org/index.php/communications/publications/87-the-plight-of-children-with-special-educational-needs-part-1).

Xarunta waxaa u ah Director, Dr. Maxamuud C/Raxmaan oo bare ka ah Jaamacad ku taal magaaladda Nottingham ee wadanka United Kingdom (UK) ama loo yaqaan Ingriiska. Xaruntaan cilmi baaristu waxa kale oo ay qabataa mashaariic aad u fara badan oo ka mid yihiin:
• Tabo barida macalimiinta iyo maamulayaashaa Jaamacaddaha wadanka iyo hay’adaha waxbarasho guud ahaan. Waxay soo qabatay dhowr tabo bar oo lagu kala qabtay Jaamacadda Golis University ee Hargeysa taariikhdu markay ahay 2-3 August 2016 iyo kuliyadda waxbarshada ee GTEC ee Garoowe taariikhdu markay ayd 15-16 August 2016. Waxa kale oo ay sameysay wacyi gelin ardayda jaamacaddaha iyo la talino khaas ah oo ay u fidisay guddoomiyaasha Jaamacadaha ku kala yaal Somaliland iyo Puntland.

• Waxa kale oo xaruntu qabataa cilmi baaris ku saabsan biyaha la cabo iyo sidii loo tayayn lahaa ama loo hubin lahaa tayada biyaha la cabbo (Water Quality Analysis).

• Waxa kale oo xaruntu cilmi baaris ku samaysaa caagga la isticmaalo iyo dhibaatada ay ku hayaan bii’adda aan ku nool nahay.

Wixii faah-faahin dheeri ah wadaad ka helaysaa website-ka xarunta Himilo Institute ee http://www.himiloinstitute.org.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online