Barnaamijka abaabulka dacwo iyo wacyigalineed ee fasaxa dhexe.[Masawiro]
January 26, 2017 - Written by EditorGaldogob:-Mu’assasada Alminhaaj-Galdogob waxay uqabatay ardayda macaahida, iskuulada, jaamacadaha iyo dhamaan dadwaynaha reer galdogob olole dacwo oo cinwaankiisa guud yahay: (Barnaamijka abaabulka dacwo iyo wacyigalineed ee fasaxa dhexe). Barnaamij kaas oo ka kooban labo qaybood oo kala ah:
1) Nadwo cilmi ah oo ay jeedinayaan culumada degmada iyo kuwo kasoo booqday magaalooyin kale. Waxaana lagu qaadaa dhigay laguna turxaan-bixiyey dhaliilalaha bulshada iyo himilooyinka shareecada, gaar ahaan culumada iyo ducaada, hogaanka bulshada, bahda barbaarinta iyo dhalinyarada.
2) Aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta xirfadaha ardayga oo loo qabtay ardayda u dhaxaysa fasalka 8aad ilaa heerka jaamacada.
Xaflad lagu daahfurayey barnaamijka ayaa ka dhacday masjidka jaamaca ah ee magaalada Galdogob habeenimadii talaadadu soo galaysay ee 24/1/2017, waxgarad isugu jiray maamulka degmada, hogaanka dhaqanka iyo qaybo kamid ah culumaaudiinka degmada ayaa soo dhaweeyey barnaamijka sheegayna inuu yimid xili aad loogu baahnaa.
Barnaamijka oo wali si habsami ah u socda ayaa la filayaa inuu soo afmeermo galabnimada jimcada ah 27/1/2017 oo ay dhici doonto xaflad lagu siinayo abaalmarino ardaydii wacdaraha ka gaysatay qaybta aqoon iswaydaarsga.
Mu’assasada Alminhaaj
Galdogob,Halgan.net