Ciidamada Puntland oo tegay deegaan lagu afduubay dad saarnaa gaari xamuul ah ka yimid degmada Qandala.[Dhagayso]

January 28, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac  Maxammed (Quurshe) oo la hadlay saxaafadda ayaa beeniyay warar lagu baahiyey saxaafadda Soomaalida qaarkood gaar ahaan Idaacadda VOA oo sheegtay in askar ka tirsan Ciidanka Puntland ay afduub u geysteen  kooxdii  Daacish dhawaan degmada Qandala ay ka saareen Ciidanka dowladda Puntand.

Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac  Maxamed ayaa sheegay in uu jiro gaari xamuul ah oo siday  Beeyada Meydiga  la yiraahdo loona waday  magaalada gacansiga ee Boosaaso waxaan gaarigaan xamuulka ah lahaa ayuu yiri ganacsato reer Qandala ah mana jir wax ciidan ah oo dhacdadaas lagu afduubtay.

Kooxda Afduubka u geystay qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ayaa waxaa ku soo baxay ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugaa degmadda Qandala balse ma aysan helin kooxdii falkaan u geystay ganacsatada reer Qandala oo weli ay baadi goobooda ay ugu jiraan ciidanka Puntland.

Gaariga xamuulka ah  ee la afduubay ayaa waxaa uu marayey  meel u jirta 30 KM degmada Qandala ee gobolka Bari waxaana afduubay kooxdii  Daacish dhawaan degmada Qandala ay ka saareen Ciidanka dowladda Puntand.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac  Maxammed (Quurshe)

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/01/Quurshe.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online