Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Beeraley

January 6, 2017 - Written by Editor

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo qaraar uu dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo beeraleyda deegaanka kadib markii mintiidiinta kooxda Shabaab ay xoolo ari ah ka qaateen beeralayda.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay qaateen xoolo gaadhaya ilaa 500 neef oo iskugu jira ido iyo riyo oo ay lahaayeen beeralayda dadka degaanka.

Maxamed Cusmaan Yariisow oo ka mid ah mas’uuliyinta hoggaamisa dadka degaankaas oo dagaallo xiriir ah ay dhexmarayeen Shabaab bilihii u dambeeyey ayaa VOA u sheegay in dagaallada maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Bariire iyo Awdheegle ay ka dhasheen khasaare iskugu jira naf iyo maal intaba.

Beelaha dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku eedaysay inay la shaqeeyaan oo ay gacansaar la leeyihiin dawladda.

Dagaallo hore oo qaraar ayaa labada dhinac ku dhexmaraya isla Gobolka Shabeellda Hoose gaar ahaan lambar 50 iyo lambar 60.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online