Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay qaar ka mid ah musharaxiinta.[Masawiro]

January 21, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Musharaxiinta u tagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee maanta uu Guddoomiyaha Golaha shacabku uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kala ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Cabdiramaan Maxamed Faroole ,Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti, waxayna kala hadleen hanaanka doorashadda madaxweynaha dalka sida ay u dhacayso iyo hubinta in doorashadu u dhacdo si hufan ee doohfuran .

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa dhamaan musharaxiinta guddoonsiiyey boogaaga ay ku qoran yihiin taxanaha doorashadda golayaasha sharci dajinta dalka laga soo bilaabo sanadkii 1959kii iyo habraaca doorashadda madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah .

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in barlamaanka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ula dhaqmaan si isku mid ah musharxiinta isla markaana doorashaddu ay ku dhicidi doonto hanaan Cadaaladda ah oo ay ka maran tahay nin jeclaysi.

Guddoomiyayaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa tilmaamay in marka ay soo dhamaanto doorashadda Guddoonka aqalka sare la samayn doono guddiga barlamaani ah oo soo saari doono jadwalka doorashadda Madaxweynaha xilliga ay dhici doonto.

——-DHAMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online