Guddoomiye ku Xigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka DFS oo la Doortay

January 12, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa la soo gebo gabeeyey doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday Hoolka golasha shacabka ee DFS waxaana ku tartamayey Xildhibaanada kala ah :Xildhibaan Cabdweli Sh.Ibrahin Muhdey iyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdqaadir kuwaas oo isagu soo haray wareegii labaad.

Loolan adag oo dhexmaray labada xildhibaan ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdweli Sheekh Ibrahim Mudey wuxuuna helay 164 cod halka Xildhibaan Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdqaadir wuxuu helay 94.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah ugu guuleystay Xildhibaan Cabdweli Sheekh Ibraahim Muudey .

Dhanka kale waxaa sidoo kale lagu tartamay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka DFS waxaana ku tartamayey Xildhibaanada kala ah,Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Gabagabadii ayaa gudoonka Baarlamaanka DFS Waxaa uu ku dhawaaqay Natiijada xilka Gudoomiyaha labaad ee baarlamaaka Soomaaliya waxaana ku guuleystay Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad wuxuuna helay 171 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la tartamay uu helay 88 cod.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online