Gurmadka Culimada ee Abaaraha oo Raashin gaarsiiyay dad Tabaalaysan ee ku dhaqan Godob Jiraan.[Masawiro/Video]

January 6, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga gurmadka Abaaraha ee Culumada ayaa waxay usbuucan Raashin ka qaybiyeen Deegaanno ka tirsan Degmooyinka Buurtinle, Dangorayo, iyo Godob Jiraan. Culimada oo kaashanaysa bulshada deegaan walba oo ay gaarto islamarkaana xiriir la leh dad diyaar u ah in ayaa Eebe dartiis uga qayb qaataan Xoog Iyo Maskaxba sidii bulshada tabaalaysan loo gaarsiin lahaa gargaar ayaa soo xula deegaan walba dadka ugu jilicsan sidda in dhoolayaasha /agoomaha Iyo dadka la mid ka ah

Dhamaan goobihii loogu talagay in la gaarsiiyo deeqdaan oo laga soo aruuriyay shacabka ku nool Garoowe ayaa loo gaarsiiyay si hufan islamarkaana ay ku dheehan tahay xilkasnimo.Goobahaan la geeyay raashinka oo ka koobnaa ilaa 3 goobood waxaa goob walba la gaarsiiyay 120 qoys oo reer walba ay helaan Haaf Bur ah / Haaf Bariis ah / Caagad saliid ah Iyo 12.5 KL oo sonkor ah.

Gudiga Gurmadka abaaraha ayaa dhankooda balan qaaday in wixii soo gaara ay gaarsiin doonaan meelaha ugu muhiimsan ee baahidu ka jirto. Shacabka la gaarsiiyay deeqdaan ayaa iyana dhankooda u mahad celiyay Gudiga gurmadka culimada ee Abaaraha waxayna codsadeen in waxwalba na loogu dhiibo culimada maa daama ay yihiin dad aamin ah.

Hoos ka Daawo Guddiga gurmadka Abaaraha ee Culumada oo usbuucan Raashin ka qaybiyeen Degmooyinka Burtinle, Dangorayo, iyo Godob Jiraan.

Nuuur Jaamac Aadan
Garoowe, Halgan .net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online