Madasha Wadatashiga Qaran oo ka soo Horjeeystay Xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug

January 13, 2017 - Written by Editor

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ay qadka telefoonka ah ku yeelatay 11-12 January 2017-da. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble.

Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba.

Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madashu waxay ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.

—- Dhammaad —-

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online