Madaxweyne Gaas oo ka warramay Xaaladda degmada Qandala oo galabta uu tegay.[Dhagayso]

January 9, 2017 - Written by Editor

Qandala:-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaminayo ayaa galabta gaaray degmada Qandala ee gobolka Bari. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ay doonyo ka raaceen magaalada xeebta ah ee Boosaaso waxaan socdaalka ku weheliyey ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa safarkiisa degmada Qandala waxaa uu qaatay 3 saacadood waxaan ay kormeer ku tageen xarumihii dowladda oo dhamaan ay burburiyeen kooxdii Daacish oo mudo ilaa 40 cisho ku sugnaa magaalada Qandala.

Magaalada Qandala ayaa ah magaalo taariikhi ah waxaan dagaalo goos goos ku dhexmareen ciidamada Puntland kooxda Daacish oo markii danbe laga saaray degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa caawa u hoyanaya degmada Qandala waxaan maalinta beri ah uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa odayaasha dhaqanka , ganacsata , waxgaradka iyo weliba Saraakiisha ciidanka ee ku sugan  degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Hoos ka Dhagayso waraysi ay Idaacadda VOA la yeelatay Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Qandala

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/01/8aee8652-6138-4077-a5ef-495aab2b9506_hq.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online