Madaxweyne Gaas oo kulan kula qaatay wafdi ka socda Rugta Gacansiga Dalka Cumaan

January 12, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 January 2017 kulan  kula qaatay qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso wefti balaadhan oo ka Socday Dalka Cumaan.

Weftigan oo ka soo kicitimay Dalkaasi Cumaan  ayaa isugu jirey masuuliyiin ka socdey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga Dalkaasi Cumaan, maamulka sare ee diyaarada  Salaala Airline iyo saraakiil ka socdey Madaxtooyada Cumaan.

Kulankan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay wefdiga ayaa u jeedkiisu ahaa horumarinta ganacisga, iyo sidoo kale maalgashi ay doonayaan Dawladda Cumaan iyo ganacsatada wadankaasi inay maalgashtaan Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay  in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan wadankaasi Cumaan, Puntland iyo gebi’ahaanba Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uga mahad naqay booqashada weftigani ay ku yimaadeen Puntland ayaa dhinaca kalena ku bogaadiyey dedaalka ay doonayaan inay ku maalgashadaan Puntland, waxaana  madaxweynuhu uu shegay in ka Dawladd ahaan ay ufududayn doonaan wax kasta oo hirgelinaya xidhiidhka wadashaqayneed iyo kan ganacsi ee labada Wadan.

Dhinaca kale musuuliyiinta ka socodey Dalka Cumaan ayaa dhankooda madaxweynaha Dawladda Puntland uga mahad naqay soo dhoweynta wanaagsan ee uu ku qaabilay iyo sida niyadsamida leh ee uu ku taageeray feker kooda ah inay maalgashadaan Puntland taas oo horumar iyo sharaf u ah shacabka iyo Dawladdaha labada Wadan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa timaamay inay soo dhoweynayaan cidwalba oo doonay-naysa inay maal gashtaan Puntland, waxaana uu madaxweynuhu ku boriyey ganacsatada reer Puntland ee  joogta dalka debediisa inay ku soo hirtaan Maalgashiga dhulkooda hooyo.

–DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online