Muxaadarooyin looga hadlay Been Abuurka laga sameeyey Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna oo lagu qabtay Hargesa (Dhageyso)

January 17, 2017 - Written by Editor

Hargeysa:-Waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaooyin looga hadlay been abuurka laga sameeyo Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna  oo inta badan ay sameeyaan kooxha wax bidceeya iyo kuwa wax gaaleysiiya oo aad ugu fashilmay beenaha ay faafiyaan. Muxaadaraadka ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland gaar ahaan Masjidka Al-Nuur waxaana muxaadarooyinka lagu soo bandhigay xaqiiqooyin Muhiima waxaa la soo bandhigay Bayaanaadkii ay Jamaacada ka soo saartay wax ka dhacay dalka Soomaaliya.

Muxaadaraadkan ayaa waxaa ujeedkeeda wuxuu ahaa in Dadka loo cadeeyo Xaqiiqad eedeymo loo soo jeediyey Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna oo ay ku meereystaan kooxaha wax bidceysiiya iyo kuwa wax gaaleysiiya gaar ahaa.

1-Dagaaladii ka dhacay deegaanka Araare ee duleedka magaalada Kismaayo .
2-Dagaaladii ka dhacay gobalka Bari ee Maamulka Puntland .
Muxaadaraadka ayaa waxaa lagu qabtay Masjidka Al-Nuur ee Magaalada Hargeysa, Waxaa ay socotay laba maalin  7-8/04/1438, oo waafaqsan 5-6/01/2017 .

Culumada ka qeyb gashay muxaadaraadka lagu cadeynayey Xaqiiqada Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna waxaa ka mid ahaa .
1-Sh.Mukhtaar Sh.Cismaan Yuusuf.
2-Sh.C/qani Cali Yuusuf (Alcayni).
Culimada waxaa ay si faahfaahsan oo qoto dheer uga hadleen Taariikhda Jamaacada oo in badan oo kamid ah been ay ka sheegeen kooxaha wax Bidceeya iyo kooxaha wax gaaleysiiyo .

Halgan.net ayaa in badan wajiga ka feyday been abuurka kooxaha wax gaaleysiiya ay ka sameeyeen culumada Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna kuwaas tiro badan

Hoos ka Dhageyso Muxaadaraadkii  looga hadlay Been Abuurka laga sameeyey Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna ee lagu qabtay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Hargeysa.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Qeybtii 1aad Sh.Mukhtaar Sh.Cismaan Yuusuf. Sh.C/qani Cali Yuusuf (Alcayni).


Hoos ka Dhageyso Muxaadarooyin looga hadlay Been Abuurka laga sameeyey Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna oo lagu qabtay Hargesa qeybtii 1aad

Hoos Ka Dhageyso muxaadarada qeybtii 2aad Sh.Mukhtaar Sh.Cismaan Yuusuf. Sh.C/qani Cali Yuusuf (Alcayni).

Halkan ka Dhageyso Muxaadarooyin looga hadlay Been Abuurka laga sameeyey Jamaacada Al-Ictisaam Bil kitaabi wa sunna oo lagu qabtay Hargesa qeybti Labaad

Qolyaha dhalinyarada ah ee wata magaca Sh ee calanka u sida been abuurka laga sameeey jamaacada Ictisaam waxaa ka mid ah 1-CLaahi Barbaraawi 2-Ahmed Ciid bal aan dhugano wixii ay kooxdooda ka qoreen labadan wadaad iyo sida loogu sheegay in ay xisbiyo yihiin bal fataawo laga soo saaray waa tusaale yar oo ku cadeynaya manhajkooda is reebreebka ah.Halkan ka eeg wax laga qoray Claahi Barbaraawi,Ahmed Ciid iyo Yaasiin   Ama Halkan eeg wax laga qorey Barbaraawi iyo Axmed Ciid bal hadaad dib u eegto madaxya weynta Manhajka wax bidceysiiya culumadoodii waaweynaa madaxa ayaad qabsaneysaa waxay iska qoreen iyo sida ay isku cuneen bal eeg muntadayaadkooda si Saxaab,Al-Athari,Mowqica Yaxya Xajuuri,Mowqica Raslaan,mowqica Abu Xasan Al-Ma,ribii,mowqica maxamed Imaam,Mowqica Cali Xalabi,iyo shabakad culuum ee Damaaj lama tiri karo waxay mareysaa in ay is gaaleysiiyaan.

Waxaa jira Rasaail ciida ka badan ay iska qoreen kooxha wax bidceysiiya oo ay daaqada kala baxeen raga kor xusan

Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online