Safarkii Madaxweynaha Puntland iyo wefti uu hogaaminayo ay ku tageen Degmada Qandala.[Video/Masawiro]

January 10, 2017 - Written by Editor

Qandala:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalinimadii shalay 09 January  2017 safar bada ah ku tegey degmada qandala ee gobolka Bari iyagoona ka amba baxay magaalada Boosooso. Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinaayey gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada puntland iyo saraakiisha Madaxtooyada Dawladda puntland.

Safar qaatay dhawr saacadood oo ay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisu ku sii jireen xeebta u dhexaysa Magaalada Boosaaso iyo Qandala ugu danbayn waxa ay nabad gelyo ku tageen degmada Qandala, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka degmada, saraashiisha iyo ciidamada ku sugan degmada taarikhiga ah ee Qandalla iyo shacbweyne aad u tiro badan.

Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa ay kormeer luga  ku soo mareen goobo taarikhi ah oo ay caan ku tahay degmada Qandala iyo sidoo kale dhisma yaasha Dawladda oo ay sharwada yaasha Daacish u geysteen burbur mudadii koobnayd ee ay ku sugnaayeen waxaana ka mida goobahaa ay wax yeelada u geysteen cusbitaalka weyn ee degmada Qandala, dhismaha hooyada iyo dhalaanka, dugsiga hoose dhexe ee degmadaasi iyo sidoo kale Saldhiga ciidanka Booslika, waxaana dhamaantood ka muuqdey burbur aad u weyn oo ay si arxan daro ah ay ugu geysteen dhisma yaashaasi argagixisada Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhexmaray suuqa  weyn ee Degmada Qandala waxaana uu wakhti la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degmadaasi, isagoona ka xog waraystay baahiyahooda iyo wax yeeladii ay ugeysteen cadawgu.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa fiidnimadii waxa uu kulan is xog-waraysi ah la qaatay bulshada Degmada Qandala, waxaana ay ku soo bandhigeen kulanka ciyaar dhaqameed kala duwan oo ay can ku tahay  isla markaana  xiiso gelisey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay ciidamada kala Dawan ee Dawladda Puntland sida hagrasho la’aanta ah ee ay markasta ugu heelan yihiin inay shacbkooda, dhulkooda iyo Dawladoodaba ka difaacdaan cadawga, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey inay markasta dareen gooniya iyo fiira gaara ulahadaan sidii ay isaga cabin lahaayeen ugana cidhib tiri lahaayen argagixisada ku dhuumalaysanaysa dalkooda.

Hoos ka Daawo Puntland oo Qandal ku soo bandhigat hub laga qabsaday kooxda Daacish

–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online