Ururka Al-shabaab oo la wareegay Saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow

January 27, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay duulaan qorshaysan ay ku qaadeen saldhiga ay ciidanka dalka Kenya ku lahaayeen  deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda Hoose. Ciidanka Al-shabaab ayaa duulaankooda uu ahaa mid qorshaysan waxaan ay Saldhiga ku weerareen markii hore gawaari miinaysan ka dibna waxaa ay weerar toos ah la galeen ciidanka dalka Kenya oo markii danbe ay u eryadeen xadka dalka Kenya iyagoona gaarsiiyey khasaaro baaxad leh.

Weerarka Al-shabaaba ay ku qaadeen Saldhiga ciidanka Kenya uu ku lahaa deegaanka Kulbiyow  ayaa waxaa ku dhintay  guddoomiyihii degmada Kulbiyow  Maxamed Tooxyare Nuux iyo labo askari oo kale oo Soomaali ah.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaalida oo ku suganaa Saldhiga la weeraray oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa u xaqiijiyey in Saldhiga ay qabsadeen Ciidanka Al-shabaab halka ciidanka Kenya ay u baxsadeen Xadka ay Soomaaliya la leeyhiin isagoona xusay in ciidanka Soomaalidu aysan khasaaro badan gaarin.

Ciidanka dalka Kenya ayaa u adeegsaday dagaalka lagu soo qaaday Saldhigooda diyaarado si ay iskaga caabiyaan weerarka Al-shabaab balse arrinkaas ayeysan ku guulaysan, Dadka ku dhawaan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegay in dagaalka uu socday mudo kooban lagana awood roonaaday ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ee gacanta siinayey

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online