Waqtiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Dhawaaqay

January 2, 2017 - Written by Editor

gidiMuqdisho:-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa maanta shaaciyay waqtiga ay dhacayso doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Gudiga ayaa kulan ay yeesheen ka dib waxaa ay warbaahinta u sheegeen in 11 ilaa 12ka Bishan January ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen,waxaa laga doonayaa cid walba oo u tartameysa jagada Afhayeenka Baarlamaanka $15,000 oo Doollarka Mareykanka ah halka ku xigeennada laga qaadayo $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u shaaciyaan shuruudaha laga rabo Musharaxiinta isku soo taagi doona qabashada xilka Guddoonka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa.

Waxaa sidoo kale guddiga uu si rasmi ah u shaaciyey in isdiiwan galinta musharaxiinta ay bilaaban doonto 3-4- bishan 8-9 bishana ay soo gudbin doonaan musharaxiinta wax qabadkooda .

Waxaa la dooran doonaa Afhayeenka Baarlamaanka 11 bishan halka ku xigeennadiisa la dooran doono 12bishan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online