Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday Hotel Dayax ee Muqdisho.[Masawiro]

January 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubaysan oo watay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay weerar la bartil maamsadeen  Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. Hotel Dayax oo ilaalo xooggan ay joogtay ayaa waxaa uu dagaal dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday ka dib markii ay kooxda weerarka soo qaaday ay gaariga miinaysan ay ku dhufteen Irida Hotel Dayax ee ay ka agdhawaayaan goobo ganacsi.

Kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaan si aan ku helnay ilo lagu kalsoon yahay aysan u suuroobin weli in ay gudaha u wada galaan Hotelka Dayax oo ay deganaayeen Xildhibaano ka trsan labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Musharaxiin u tartamaya xilka Madaxweynanmada Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka agdhawaa Hotelka iyo kuwii ku sugnaa banaanka hore ee Hotel Dayax waxaan ku jira odayaal dhaqan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Weerarka Hotel Dayax ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee  Malaaq Malabow Malaaq Isaaq iyo Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan in ay ku dhinteen weerarkaasi sidda uu saxaafadda u sheegayMalaaq Deerow oo ka mid Issimada Koofur Galbeed. Malaaq Cabdi rashiid Malaaq Cabdisalaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa 135 Oday Dhaqameed ee Beelaha Soomaaliyeed ee wax ka soo xulay Xldhibaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegay in Hotel Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ay kulan ku lahaayeen Xildhbaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed , odayaal iyo weliba gudiga ololaha doorashada u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha dowladdda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

A/cawaale
Halgan.net
+ Source
Radio Kulmiye
[Masawirada]

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online