Al-Shabaab oo Hoobiyaal Ku Laayey Dad Rayid ah oo ku sugan Degmada Warta-nabadda

February 16, 2017 - Written by Editor

Muqdsho:-Tiro Hoobiyaal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ay ku rideen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhaceen guri ku yaal Degmada Warta-nabadda waxaana ku dhintay  2 Caruur ah halka 4 kale oo isla qoyska ah ay ku dhaawacmeen.

Dadweynaha ka agdhawaa Guriga ay Madaafiicda ku dhaceen ayaa u gurmaday shacabka masaakiinta ah ooo ay xasuuqeen kooxda Al-Shabaab.

Guriga Hoobiyaha ku dhacay ayaa waxaa uu ku yaalaa agagaarka xaafada 15-ka May ee Degmada Warta-Nabadda.

Hoobiyaasha ay Shabaab ay tuureen ayaa gaarayey ilaa 4  waxaana inta badan ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad rayid ah .

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee magaalada Muqdisho oo goobta soo gaaray ayaa qaaday 4qof oo dhaawac ah waxaana loo qaaday Isbitalada ku yaal gobalka Banaadir.

Saraakiisha amaanka ee gobalka Banaadir ayaa wili ka Hadal Hoobiyaasha ay Al-Shabaab ku laayeen dadka Rayidka ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online