Madaxweynihii hore ee Puntand Gen. Cadde Muuse oo lagu aasay Boosaaso.[Masawiro]

February 14, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:Allaha u naxaristee Maydka Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand  Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor  ayaa saaka laga soo dejiyey Garoonka diyaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Aaska Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand  Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa ka soo qayb galay 3 gole ee dowladda Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas , Madaxweyne ku xigenkiisa iyo gudoomyahay Baarlamaanka Puntlland yo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Guud ahaan Amaanka Garoonka diyaradaha Boosaaso ayaa aad la adkeeyey  waxaan goobaha ku dhow dhow garoona la dhigay ciidamo fara badan oo sugayey amaanka iyo nabadgelyada masuuliynta ka qayb galay Aaska Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand  Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.

Allaha u naxaristee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntand  Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor  ayaa waxaa uu ahaa Sarkaal sare oo ka mid ahaa Ciidanki hore ee xoogga dalka Soomaaliya waxaa uu nasiib u hellay in uu ka mid noqdo Saraakiisha ugu caansanaa Ciidanka xoogga dalka oo qabay tababar Ciidan.

Dhinac kale Aaska madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay madaxka socotay dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey R/wasaarah hore ee dowaldda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’isul wasarihii hore ee KMG Prof Cali Maxamed Geedi , culimo ganacsato , Issimo fara badan oo ay ka mid yhiin Ugaas Yaasiin , Islaan Bashiir , Islaan Ciise iyo Boqor Burhaan Boqor Muus iyo Issimo kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online