Ciidamo ka tirsan daraawiishata oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda.[Masawiro]

February 26, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Ciidamo ka tirsan ciidanka Daraawiishta iyo kumaandooska Puntland oo sameeyey gadoodsan ayaa aanta xiray jidadka soo gala xarunta Baarlamaanka Puntland iyo wasaaarada maaliyadda ee magaalada Garoowe. Ciidamadaan gadoodsan ayaa waxaa ay wateen gaadiidka dagaalka waxaan ay u doodayeen in aan wax mushaar ah la siin 7-dii bilood ee la soo dhaafay ciidamadaan ayaa waxaa ay ka ymdaan fariisamo ay ku lahaayeen galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Saraakiisha la socotay Ciidamadaan ayaa diiday in ay la hadlaan saxaafadda oo ay u sheegaan wax ay tabanayaan balse markii danbe odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Garoowe oo uu horkacayo Islaan Ciise ayaa la hadlay ka dibna waxaa ay dib ugu laabteen fariisamihii ay ka yimaadeen markii hore.

Ciidamadaan gadoodka sameeyey ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili la hadal hayo in isku shaandhanayn uu Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku samayn doono Golahiisa xukumada.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Puntland oo ku aadan ciidmaada saaka sameeyey Gadoodka kana cabanaya in wax mushaara ah aan la siin mudo dhan ilaa 7 bilood.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online