Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Deegaanka Beerxaani ee gobalka J/Hoose

February 21, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka J/Hoose ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay deegaanka Beerxaani kaas oo u dhexeeya ciidanka J/land oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa weerar ku qaaday degaanka Beerxaani oo qiyaastii 50-KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.

Goobjoogayaal ku suggan degaanka Beerxaani ayaa VOA-da u xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya oo wata taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ay hareereeyeen  Deegaanka Beerxaani waxaana halkaas isaga baxay kooxda Al-Shabaab.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Beerxaani ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn iyo rasaas xoogan ay ka maqlayaan gudaha iyo daafaha deegaanka Beerxaani.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Beerxaani ee gobalka J/hoose

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online