Farmaajo iyo ammaanka caasimadda W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan )

February 13, 2017 - Written by Editor

Soomaalidu baryahan farxad ayey isu tabineysay dad bandanna waxaa hadalkooda ka dhadhamaya in xal sixir ah la helay oo mar qudha wixii dhib jiray isk dhammaan doono marahaddii farmaajo la doortay!, wixii mucjiso ah waa gaar laakiin sida badan adduunka waxaa ka dhaca wixii sabab ku yimaadda oo aadanuhu sameeyo: قل هو من عند أنفسكم
Hadalkaas waxaan uga socdaa inaan idhaahdo mushkiladihii taagnaa farmaajo ka hor haddii aan lala imanin ficil iyo hab dhaqan lagu xallinayo suura gal ma aha in la soo tooso iyaga oo iska xaalismay! Wiii riyo ahna markii indhaha la kala qaado ayaa la waayaa.

Mushkiladaha ina haysta ee innagu aan abuurnay haddii aan soomaali nahay aad bay u badanyihiin inta aynu u soo jeedsaneynno inaan xallinana sidii uunbay inoo sugayaan, farmaajo iyo cid la socota kaligoodna waxba kama qaban karaan, tusaale ahaan qabyaaladda iyo raadadkii ka dhashay xalkeedu wuu ina wada sugayaa haddii aan wali sii wadnana lama sugayo in wax inoo hagaagaan.

Mushkiladahaas badan ee ina horyalla waxaa ila habboon in farmaajo iyo ragiisu ay ka billaabaan xal u helidda ammaanka caasimadda, maxaa yeelay sida soomaalidu tidhaahdo : haani gun bay ka tolantaa, caasimaddii qaranka oo aan ammaan la isku aamino yeelaninna suura gal ma aha in dowladnimo la haweysto,maxaa yeelay dowladnimada waxaa lagu qeexaa inay tahay : adeegsiga awoodda adag oo gacanta dowladda ku uruura, inta caasimadda ay jogaan awoodo kale sida al shabaab oo laga baqanayo baadna la siinayo rajo lagama qabo in dowladnimo hirgasho.

Haddii ammaanka caasimadda la sugo dadkuna ay ka nastaan qaraxyada iyo gumaadka ku socda baadda iyo caga jugleyntuna dhammaato dadeynuhu iyagaa dowoladda garab istaagi doona sheekadii raqiiska aheyd ee qabyaaladduna way iska dhammaan doontaa waxaana dib u abuuri doona damiirkii ummaddnimo iyo karaamadii luntay, mushkilado badan oo ku taagnaa ama ku dhisnaa amni darrada caasimadda sida kala googo’a iyo gobaleysiguna si dhib yar ayey isag xallismi doonaan dadkun iyagaa caasimadda sidoodii u soo wad dagi doona, gobladan dowladaha la moodayna howl yaraan ayey caasimadda u hoos iman doonaan iyada oo aan xataa tallaabo kaleba la qaadin.

Aad baan u yaxyaxaa markii aan arko nin xil qaran haya ama madaxweyne oo warbaahinta ka hadlya isaga oo leh waxaas iyo waxaas baan qaban doonaa ama qabtay, isaga oo la ogyahay inaanu guriga uu dagganyahay xataa ammaan aheyn! Waxaan is idhaahda tolow muxuu isaga aamusi waayay bal inta wax is badalayaan ama uu ammaanka wax ka qabanayo.

Dadka caqliga leh markii ay arkaan in shqadaadu noqotay inaad maalin walba qarax dhacay ka hadasho sida dadkii fadhikudirirka ka sheekeyn jiray waxay u fahmayaan inaad tahay qof aan rajo ka soo muqanin ama aan wax weyn laga filan Karin xataa haddii aad tidhaahdo shabaab waddanka waan ka sifeynyaa waxay u qaadan doonaan booloxoofto aan melena jiin ama hanjabaad fulay.

Madaxweyne farmaajo waxaa la gudboon inaanu safar dibadeed iyo mid gude midna u socdaalin inta uu guri nabad ah ka soo toosayo caasimadana nabad lagaga waa bariisanayo,haddii kale meeshii uu tagaba hadalkiisa lama dhageysanyee waxaa dadka uga dhexmuqanya muuqaalka caasimaddii uu ka yimid iyo qaraxyadii is daba jogga ahaa, waxaana laga yabaa inaan cidiba su’aal ka weydiinin wixii uu ka hadlay ee la yidhaahdo bal ammaankii muqdisho nooga warran wali wax ma iska baddalay, dadka qaarna waxaa laga yaabaa inuu yahay nin dalxiis soo aaday oo jugta qarax iyo cabsida maalmo ka yara nasanaya.

Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan )
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online