Guddoomiye Laameed ka tirsanaan jiray Degmada Xamar-jajab oo Masjid lagu dhex dilay

February 25, 2017 - Written by Editor

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay lagu dhex dilay Guddoomiye Laameed ka tirsanaan jiray  Degmada Xamar-jajab  oo lagu magacaabo Maxamed Cumar  xili uu socday darsi Kitaabka Riyaad Saalixiin ah oo uu ku taxnaa .

Dilkan Foosha xun ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab waxaana ay ka baxsadeen goobta markii ay dilka Geysteen .

Dadweynihii dhageysnayey Casharka Kitaabka Riyaadu Saalixiin ayaa argagax iyo Yaab ay ku dhacday iyaga la yaabay dilka qof Muslina lagu dhexdilayo Masjid isaga oo dhageysnaya Kitaab Riyaad Saalixiin ah.

Masjidka Xalay Lagu dilay Maxamed Cumar ee ku yaal Degmada Xamar-jajab   ayaa waxaa lagu magacaabaa Masaajidka Bandhabow .

Kooxda Al-Shabaab ee lagu ibtileeyey daadinta dhiiga shacabka Muslinka Ee Soomaaliyeed ayaa lagu yaqaan in ay ku dilaan dadka Masaajidka gudahiisa iyo iyagoo ka soo baxaya  Waxaana la xusi karaa dilkii Foosha xumaa ay u geysteen alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ku jira Salaad casar oo Rukuucsan .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online