Koox hubeysan oo weerar ku qaaday saaka Hotel International Village ee Boosaaso

February 8, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:- Waxaa saaka koox hubeysdan ay weerar ku qaadeen Hotel International Village oo ku yaala magaalada Boosaaso waxaan ay weerarka ku dileen labo ka mid ah ilaalada ka dibna waxaa ay isku dayen in Hotelka  gudaha u galaan  balse waxaa iska caabiyey ilaalo kale oo Hotelka ku jirtay waxaan iska horimaadkaas danbe ku dhintay labo ka mid ah dablaydii soo weerartay Hotelka iyo labo kale oo ka mid ah ilaalada Hotelka.

Kooxda weerarka ku soo qaaday Hotel International Village ayaa tiradooda ilaa hadda la aqoon waxaan ay weerarka ay fuliyeen Abaarihii salaad subax ka dib waxaan guud ahaan weerarka ku dhintay 6 ruux oo iskugu jira ilaaladii Hotelka iyo dablaydii soo weerartay.

Laamaha amaanka ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaan ilaa hadda ka hadal weerarka lagu qaaday Hotelka International Village, walow dadweynaha reer Boosaaso ay uga barteen masuuliyiinta Gobolka Bari in ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan amaanka guud ee magaalada Boosaaso.

Weerarka ka dhacay Hotel International Village ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu noqonayaa weerarkii ugu horeeyey oo noociisa ah oo kooxaha hubaysan ay ka fuliyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari xilli bilihii u danbeeyey ay magaalada Boosaaso ka dhacayeen dilal qorsheysan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online