Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.[Masawiro]

February 24, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 24, Febuary 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntlabnd, waxayna kasoo laabteen magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Guddoomiyahya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka waramay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho ” Waxaan kasoo qayb galnay munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online