Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

February 10, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana kulanku uu yimi kadib casumaad uu safiirku u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada masuul ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka labada dhinac, arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo isbeddelka cusub ee ku yimi hogaanka Soomaaliya, abaaraha, ammaanka, dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga waramay xaaladaha abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in Dawladda Ingiriisku ay gacan ka geysato arrimaha abaaraha iyo sidii loo taakulayn lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntlnd uga mahad celiyay sidii uu u aqbalay kulankooda, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda Ingiriisku ay soo dhoweynayso isbeddelka cusub ee ku yimi dhinaca siyaasadda Soomaaliya, Sidoo kale safiirka ayaa ballan qaaday inuu tagi doono deegaanada Dawladda Puntland.

DHAMMAAD–

Xafiiska, Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka e Madaxtooyda DAwladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online