Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ka socdey Qaramada Midoobey.[Masawiro]

February 1, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 1 February 2017 qasriga Madaxtooyada magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland ku qaabilay wefti ka socdey qaramada midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Peter De Clracq oo ah kuxigeenka ergayga gaarka ah ee qarama damidoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa arrimaha biniaadantinimada.

Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayey u qayb samaha qaramada midoobey arrimaha bini aadantinimada Soomaaliya Mr. Peter De Clracq ayaa waxaa ka mid ahaa madaxda laamaha xafiisyada qaramada midoobey ee Dawladda Puntland.

Ka dib markuu soo idlaaday kulan gaara oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftiga uu hogaaminayey uqaybsamaha qaramada midoobey arrimaha bini aadantinimada Soomaaliya Mr. Peter De Clracq ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha Dawladda Puntland in ay ka wada hadleen abaaraha baaxadale ee ka jira Puntland, taas oo uu shegay madaxweynuhu in uu u gudbiyey xalada abaareed ee ka jirta Puntland, isla markaana  loobaahan yahay in lagu tageero wax kasta oo ay kaga bixi karaan abaarta Ummada Soomaliyeed ee ku Soo hayaantay Puntland iyo dadka reer Puntland ee ay wax yeelaysay abaartu.

” weftga waan uga waranay xaalada abaareed ee dalka ka kajirta iyo wixii aanu ku soo aragnay degaanadii aanu kormeerka ku tagnay, sidoo kale wan uga waranay in sidii larabay ama ay ahaydba in beesha caalamku arintaa uga jawaabto madaama aanu ka hadalay wakhti hore abaarta ka jirta Puntland, dhankooda iyana waa ay garaabeen laftoodu maadaama ay iyana ku xidhan yihiin wadamada deeqda bixiya, hadana wixii ay hayaan oo suurtogala waan ka rajaynaynaa inay lasoo gaaraan dadka abaartu samaay ha ahaadeen kuwa ku soo hamaamay Puntland iyo kuwa reer Puntland-ba” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale ku xigeenka ergayga gaarka ah ee qaramada mioobey Mr. Peter De Clracq ayaa dhankiisa xusay inay si degdega uga qayn qaadan doonaan abaraha baaxadaleh ee ka jirta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu shay inay qorshaynayaan lacagdhan 35 million inay ku caawiyaan guud ahaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in Dawladda Puntland muhiimad gaara ay siindoonaan maadaama ay tahay meesha keliya ee ay ku soo haayaamaaneen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed, ku waas oo ka kala yimi waqooyiga, galbeedka  iyo koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii ay dadka reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeed ee ku soo hayaamay degaanada Puntland  gacan lixaadle uga helilahaayeen guud ahan beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta arrintaasi.

–DHAMMAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online