Madaxweyne cusub ee JFS oo si rasmi ah ula wareegay Xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.[Masawiro]

February 16, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaan ku wareejiyey Madaxweynihii hore ee JFS Xassan Sh. Maxamuud. Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta Villa Soomaaiya  waxaan xaflad ka soo qayb galay golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale, madax weyne Farmaajo ayaa ilaa intii uu ku guulaystay Madaxweyaha JFS waxaa xarun ku meel gaar ah u ahayd Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa ku wareejiyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya agab kale duwan waxaa uu ku wareejiyey xafiiska uu ku shaqayn jiray isagoona u rajeeyey in uu guul la taaban karo gaarsiiyo dalka Soomaaliya mudada 4 sanno ee uu xlka hayn doono.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa uga mahad celiy Madaxweynihii hore JFS Xassan Sh Maxamuud sidda wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyey.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa waxaa xaflada caleema sarkiisa waxaa ay ka dhci doontaa magaalada Muqdisho 22-ka bishan waxaa la filayaa in ay ka soo qayb gel doonaa Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay IGAD.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online