Madaxweyne Farmaajo” Abaaraha ka Jira Dalka Waa Musiibo Qaran oo u Baahan Gargaar Deg-deg Ah”[Masawiro]

February 28, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo), ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.

“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”

“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.

Ugu dambeyntii , Madaxweynaha ayaa si joogta ah ula socon doona xaaladaha abaaraha, si gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid gaaray meelihii loogu talagalay.

–DHAMMAAD–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online