Maxkamada Dambiyada Culus ee Puntland oo 7 Qof dil Toogasho ku Xukuntay (Masawiro)

February 13, 2017 - Written by Editor

Maxkamadda Dambiyada Culus ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay 7 ka mid ah kooxo Al-Shabaab kuwaas oo ay maxkamadu sheegtay in ay dilal qorsheysan ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Qareena u doodayay dhalin yaradan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la keeno cadeymo ayna dhalinyarada helaan xukun caadil ah .

Dhalinyarada saaka la horkeenay Maxakamada ayaa waxaa lagu eedeyey in ay dileen Agaasimihii Madaxooyada Puntland ee qeybta Boosaaso, Taliye kuxigeenkii ciidamada Booliska Puntland & Xeer Ilaaliyihii guud ee Maxkamada.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamadaa Qalabka sida ee shanta Gobal Cabdi Fataax Xaaji Aadan ayaa ugu danabayntii markii uu dhagaysatay dacwada waxa uu riday xukun dil toogasho ah waxaana ay kala yihiin dhalinyarada dilka lagu xukumay.

.

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)

Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )

Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )

Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )

Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )

Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )

Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online