Rai’isul Wasaare Sharmarke oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsan soohdinta Badda

February 2, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Rai’isul Wasaarahaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda.“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go’aanna ay ka gaarto xuduudda. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaartay in ay dhageysato dacwadda ka dibna calaamadeyso xuduudda.Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda oo kama dambeys ah uguna baaqay Kenya in ay tixgeliso.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online