Shirkada Golis oo $250,000 ku wareejisay Gudiga Abaaraha Puntland (Masawiro)

February 6, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Shirkadda Golis Telecom ayaa maanta ku wareejisay guddiga Abaaraha Puntland Lacag gaaraysa labo boqol iyo konton kun oo dollar ($250,000) taas oo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan abaaraha ragaadiyey dad iyo duunyaba.

Shirkaddu ma aha markii ugu horreysay ee ay lacag ku bixiso abaaraha ee bilowgii bishii Nofember ee tagtay ayey shirkaddu bixisay afartan kun oo dollar ($40,000) oo ay ku kala bixisay Slaam Bank iyo Golis Telecom, dhanka kale waxay labaatan kun oo dollar bixisay isla abaartii sannadkii 2016ka bartamihiisa ahayd.

Shirkaddu waxay mar walba garabtaagantahay dadka soomaaliyeed guud ahaan taasina waa marag ma doonto waxaana lagu xusuusan karaa sidii mugga lahayd ee ay isugu taagtay qaxootigii Yementa iyo hawlwalba oo loo qabanayo bulshada.

Shirkadda Golis waxaa la oran karaa waa horggaan mudan in la bogaadiyo maadaama ay mar walba u heellan tahay in ay garab istaagto dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan, madaxdii shirkadda Golis ee ka hadashay goobta ayaa kala ahaa Maareeyaha Shirkadda Siciid Aadan Gaws & G/xigeenka Boorka shirkadda Luqmaan Maxamuud Axmed iyada oo ay goobta joogeen madax badan oo Golis Group ka mid ah.

Guddiga gurmadka abaaraha oo ay horkacayaan Culimadu ayaa duco iyo mahadnaq isugu daray shirkadda Golis Allena uga baryey in Alle beddel khayr qaba siiyo waxayna ugu baaqeen bulshada kale in lagu daydo shirkadda Golis, Culimadii hadashay ayaa kala ahaa Sh.Daahir Aw-cabdi, Sh.Axmed Daahir Xassan Xuseen, Sh.Axmed Yuusuf Daad & Guddoomiyaha guddiga Sh.Fu’aad Max’uud Xaaji Nuur.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online