Barnaamijka Socdaalka Nabada ee gudiga culimadu ku gaareen Koonfurta Gobolka Sool[ Video]

March 15, 2017 - Written by Editor

Laascaanood:-Ka dib colaada daba dheeraatay oo u dhaxaysa laba beelood oo wada dega deegaanada koonfurta Gobolka Sool oo marar kala duwan lagu bixiyey dedaalo nabadeed in lagu damiyo colaad u dhexmartay ayaa waxaa iminka gacanta ku haya dhex dhexaadinta labadaan beelood gudiga Culimaau’diin kuwaas oo u kacay inay soo afjaraan colaadan .Gudigan oo iyagu isku xilqaamay soo afjarista colaadan gaamurtay oo ah hogaanka Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed kuwaas oo ay hogaaminayaan Sh C/Naasir Xaaji Axmed iyo Sh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire, iyo Culimo kale ayaa waxaanu ku wehelinay socdaal dheer oo ay ku mareen deegaanada Dhumay , Dabataag , Kala baydh ,Dharkayn iyo Xidh Xidh . Culimada ayaa bilihii u danbeeyey waxaa ay ka wadeen deegaanada ay colaadu ka dhacday kulamo wadadad ugu xaadhayeen sidii loo afjari lahaa colaadan daba dheeraatay ayaa waxaa ay culimadani sameeyeen safaro ay ugu magacdareen Socdaaalka kii Nabada ,kaas oo ay ku mareen deegaano badan oo ay ka taagnaaayen bilihii u danbeeyey colaad u dhaxaysa labadan beelood .

Hoos ka Daawo Barnamijka Socdaalka Nabada ee Koonfurta Gobolka Sool

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online