Ciidamada Badda Puntland PMPF iyo dablay qafaalatay Markabka ARIS-13 oo ku dagaalamay Caluula.[Dhagayso]

March 16, 2017 - Written by Editor

Caluula:-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Dawladda Puntland PMPF ayaa shalay gaaray xeebta degmada Caluula ee Gobolka Gardafu oo maalin ka hor ay koox dhalin yaro ah oo hubaysan ay ku qafaasheen Markabka ARIS-13 ku sugnaa  biyaha badda Degmada Caluula.

Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaji Xassan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in ay dowladda Puntland ay ciidamo u dirtay xeebta degmada Caluula ayna ciidanka badda dowladda Puntland PMPF ay hadda dul fadhiyaan Markabka ay qafaasheen dablay hubaysan isagoo u jeediyey dablayda in Markabka ay ku sii daayaan si nabad gelyo ah haddii kale ay ciidanku qaadi doonaan talaabo ciidan.

Warar saaka soo baxaya ayaa sheegay in Ciidanka Badda Dawladda Puntland PMPF uu iska horimaad dhexmaray dablayda hubaysan ee haysta Markabka ARIS-13  uuna jiro khasaaro soo kala gaaray walow ay odayaashu dhaqanka degmada Caluula ay wadaan waan waan ay ku doonayaan in si nabad gelyo ah lagu sii daayo Markabka ARIS-13.

Dhinac kale Gudoomiyaha Degmada Caluulla oo wax  lga wiidiiyey iska horimaadka dhacay ayaa xaqiijiyey waxaana uu sheegay in koox wadata saxiimado oo doonayey in ay u gurmadaan dablayda hubaysan ee haysata Markabka ARIS-13 ay iska horimaad hubasyan uu dhexmaray ciidanka Badda Puntland PMPF oo iyagu go’doomiyey dablayda haysta Markabka ARIS-13.

Hoos ka Dhagayso  Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/03/burcad.mp3]

Halkaan MP3
 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online