Ciidanka Badda Puntland oo hareereeyey Markab afduub loogu heysto deegaanka Xaabo

March 16, 2017 - Written by Editor

Caluula:-Warar ka imaanaya deegaanka Xaabo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa Bada ee PMPF-ta ay gaareen halkaas iyagoo oo hareereeyey Markab afduub loogu heysto deegaanka Xaabo oo wata Calanka dowlada Sri Lanka.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali Shire Maxamud, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxo heysta Markabka heysta ay dhexmartay is-rasaasayn  sababatay khasaaro kala duwan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay Khaasaraha ka dhashay is rasaaseynta dhexmartay ciidamada PMPF-ta iyo kooxda heysta Markabka Aris waxaa la sheegayaa in hal askari uu gaaray dhaawac fudud.

Dhinaca kooxda heysta Markabka Aris ayaa wax war ah laga heyn waxa gaaray waxaana socda wadahadalo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Xaabo ee gobalka Bari si loo dhameeyo Afduubka lagu heysto Marrkabka Aris oo ay saaran yihiin shaqaale dhan 8.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online