Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo helay codka Kalsoonida Baarlamaanka

March 29, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay golihii wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul wasaarah DFS Xassan Cali Kheyre. Shirka Golaha Baarlamaanka dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadireen 242 Xildhibaan waxaan si gacan taag ah cod aqlabiyad ah u ansixiyey 224 halka 15 Xildhibaan oo kaliya ay diideen 2 Xildhibaana ay ka aamuseen.

Gabagabadii kulanka Golaha Baarlamaanka dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa waxaa natiijada si rasmi ah ugu dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka Barlaamanka JFS Cabdiweli Ibrahim Cali Sheikh (Muudey) waxaan kulanka ka maqnaa oo aan soo xaadirin Fudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Dhinac kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla goobta waxaa uu ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre ayaa dhaarinta Golahiisa xukuumada waxaa uu mahad u jeediyey Golaha Baarlamaanka sida wanaagsan oo ay codka kalsoonida u siiyey xukuumada uu soo magacaabay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online