Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha oo Biyo Dhaamis ka sameeyay Gobolka Mudug[Masawiro/Video]

March 10, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay u howl galeen in ay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed oo ay halakeeyeen Abaaruhu iyagoo arrinkaas la kaashanaya waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada Soomaaliyaa waxaan ay cyulimadu sameeyeen gudiyo dhowr ah oo socdaalo gargaar iyo Biyo Dhaamis ka sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Bari , Gobolka Sanaag, Gobolka Sool iyo weliba Gobolka Mudug.

Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha ayaa u dhabaray adeegay in wixii tabar tooda ay la gaaraan dadka abaaruhu ay ku dhufteen ayna ka dhamaadeen xoolaha haddan ay dadku u geeriyoonayaan cunto iyo biyo la’aan
Guddiga gurmadka abaaraha ayaa Labo kooxood oo ka mid ah guddiga ayaa u kala ambabaxay gobolka Sanaag iyo Degmada Purtinle, qaybta Sanaag ayaa waxaa hoggaaminaya Sh.Cismaan Maxamuud X.Dirir iyo Sh.Ciise Beersedxshe, qaybta Burtinle waxaa hoggaaminaya Sh.Maxamuud X.Yuusuf iyo Sh.Yaasiin C/llaahi.

Guddiga ayaan marna ka fariisan biyo dhaanka miyiga iyo tuulooyinka ooman, jiilaalka ayaa maalinba maalinta ka dambaysa soo adkaanaya, waxaan Allaah ka baryaynaa raxmad degdeg ah oo waasic ah. Sh Fuaad Xaaji Nuur oo ka warbixiyey deegaanada ay u kuurgaleen dadka iyo duunyada abaartu halakaysay xaaladdooda una qaybinayna biyo dhammaan gaar ahaan gobolka Mudug Ciid iyo Cadduunba, ayaa shegay in ay soo mareen dhulka u dhexeeya Gaalkacyo, Bayra, Bursaalax, Galdogob, Axmedkhayr, Foodyacadde, Daarusalaam, Xarfo, Labaalayaal, Isgoys, Beerdhagaxtuur, Tuulo xabiibo, Roox intaasi waa ciidka, xagga Caddunka Gaalkacyo, Jeexdin, Duddun, Ceelbar daale, Guuca, Buubi, Ballibusle, Seemade, Jirriiban, Towfiiq, Dhinawda, Garacad, Ceelmareer, intaasina waa Cadduun iyo xeeb, xagga kale Sallax, Qalaanqal, Balambal iyo Malaasle intaasina waa Sanaag iyo Daalandoolle, Xagga kale Dhoobocantuug, Labilammaane, Khuurile, Mayle, Shakaal, Shillabxaraaere, Berricad, intaasina waa hawd.

Sh Fu’aad Maxamuud Xaji Nuur ayaa xusay in ay ku soo arkeen dad xoolihii ka dhammaadeen oo dibadyaal ah, hooyooyin iyo carruur isku caddiban, dad xoolo yar la jihajihaynaya, Bakhtiga xoolaha oo tan dhaaf ah, harraad iyo gaajo, baad iyo biyo la’aan, xanuun iyo jilicsanaan.

Sh Fu’aad Maxamuud Xaji Nuur ayaa sheegay in deegaanadaas ay soo mareen 8 maalmood iyo habayna dood, haddii roobku sii raago waxaa soo socota masiibo qaran Alloow hannoo qaddarin, Raxmad waasica oo degdeg ah oo aan aafo wadan ayaan Raxmaanka waydiisanaynnaa.

Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha oo ay ka mid yihiin Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Ayna ka mid ahaayeen Sh Maxamed Macalin Iyo Xubno Kale waxay biyo gaar siiyeen in ka badan 60 Iskugu jira Magaalo Iyo Tuulo iyagoo qaybiyay 475 booyadood oo biyo ah .

Culimadu waxyaabihii ay arkeen waxaa ugu waa waynaa oo ay Xuseen Qodabadaan:-

1. Dadka Miyiga oo la il daran Biyo La’aan /Baad la’aan / Nafaqo daro/ Oo ay u weheliso cuduro.
2.Dadbadan oo ay Dhaafeen Xoolihii ay Ku Asturnaayeen Una Baahan Gargaar.
3.Ceelasha Layskugu soo guuray oo kujira Xaalad adag ka dib markay waayeen Dayactir Matoorka/PamkaCeelka/ShIdaal la’aan iyo wax la mid ah.

Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha aya ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba in ay u is taagaan in ay caawinaad deg deg ah lala gaaro umada Soomaaliyeed oo abaaruhu halakeeyeen ee gobol walba ku dhibaataysan

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online