Madaxda Dowladaha IGAD oo Ku Heshiiyay in Si Wadajir ah Xal Waara Loogu Helo Qaxootiga Soomaaliyeed

March 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa isugu yimid shir gaar ah oo looga arrinsanayay sidii xal waara loogu heli lahaa qoxootiga Soomaaliyeed.

Shir-madaxeedkan gaarka ah ayaa jeedadiisu tahay in lagu xoojiyo lilaalinta xuquuqda qaxootiga, lagana wada hadlo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira guud ahaan gobolka, isla markaasna loo mideyn lahaa dadaallada beesha caalamka ee dhaqaalaha loogu uruurinayo dadka ay abaarahu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku yareyso sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan. “Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.”

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

“Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.”

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladaha iyo shucuubta waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo dalka Yeman sida ay u martigaliyeen in ka badan hal milyan oo qaxooti Soomaali ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: abdinur@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online