Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Daahfuray Furashada Ururrada Siyaasada Nidaamka Xisbiyada Badan.[Masawiro]

March 25, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 March 2017 si ramsi ah u daahfuray furashada Ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada badan ee Dawladda Puntland.

Xaflada Furitaanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, gudoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka,  iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xaflada ka jeediyey qudbad taarikhiya ayaa ugu horayn mahad balaadhan u jeediyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo iyagu markasta ku heelan qabsoomida iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo sidoo kale cid kasta oo ka qayb qaadatay heerka uu maanta marayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday waxtarka iyo qiimaha ay u leedahay shacabka Puntland dimuquraadiyad lagu saleeyey diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan, taas oo uu sheegay inay u qareemaysa cidkasta oo doonaysa inay ka hadasho wax kasta oo uu ruux muwaadini u arko in ay horumar utahay dalkiisa si dhibyarna uu usoo gudbinkaro, isla markaana ay tahay mid lagaga baxayo habka wax lagu qayb sado iminka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dimuquraadiyadu tahay mid lagu ilaalinayo xaquuqda bulshada inteeda tamarta yar, isla mar’ahaantaana door ka siinaysa dhiibashada fekerka uu qabo ruux muwaadini isagoo usoo gudbisanaya si xor ah oo ku salaysan xeerarka dimiquraadiyada, kaas oo  salka ku haysa diinteena suuban.

” waxaan u baahanahay in dimiquraadiyad noo shaqaynaysa aan samaysano isla markaana ay noqoto mid salka ku haysa diinteena islaamka oo aan ka hor imaanaynin, sidoo kalena ka turjumaysa, dimiquraadiyada Geedkaan rabnaa, dimiquraadiyad Geelaan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxyanaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kusii daray oo ku booriyey shacabka Puntland meel kastay joogaanba inay ka gudbaan, qabiilka iyo qabyaalada iskuna fahmaan, isku doorataan isku racaan arag tida iyo waxa ay wadaagaan, isla’markaana la jaanqaadaan dunida maanta ee casriga ah, waxaana uu madaxweynu sheegay in Puntland ay maanta hormuud u tahay Soomaaliya isla’markaana aanay Soomaliya ka hirgelaynin waxaan Puntland ka hirgelin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray xaflada furashada ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada Badan ee Dawladda Puntland, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ladardar geliyo furashada iyo ka qayb ahaanshaha ururrada.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online