Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan la Qaatay Nabadoonadda Gobolka Nugaal.[Masawiro]

March 27, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa 26 March 2017 kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Magaalada Garoowe Nabadoonada, Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal, kulanka ayaa waxaa lagaga arrin sanayey arrimo La xiriira Amaanka gobolka, isxog waraysi iyo sidii ay wada shaqaynta u dhexeysey Dawladda iyo Nabadoonada gobolkasi loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha ayaa Nabadoona gobolka Nugaal ku amaanay sida ay markasta uga shaqeeyaan ilaalinta iyo xasiloonida gobolka, taas oo sahashay in si wadda jira lo xaliyo caqabad kasta oo timaadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku ay yihiin hormuudka iyo hogaanka guud ahaan Dawladda iyo gaarhaan Gobolka Nugaal, lagama-maarmaana ay tahay in talo wadaag lala sameeyo si wax walba oo soo kordha loogu xaliyo si nabada.

Dhinaca kale, Nabadoona, Cuqaasha iyo waxgaraka gobolka Nugaal ayaa dhankooda shaagay inay diyaar u yihiin wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin dawladda taas oo ay ku jiro masiirka ummada Puntland, isla mar’ahantaana waxa ay balan qaadeen inay sii dardar gelindoonaan isu garabsiga caqabad walba oo timaada xalinteeda, si aanay Puntland uga hakan dhabada horumarka ee ay cagta saartay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Nabadoona inay markasta u heelanadaan meel marinta iyo ka meel gaarida wax kasta oo dan u ah Amniga iyo horumarka Caasimadda oo ay kow ka tahay nabada, xasiloonida, kala danbaynta ay ku caanbaxday Puntland, isla markaana ay taasi ku jirto sharafta iyo karaamada shacabka Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online