Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah

March 28, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo digreeto Xeer Madaxweyne Lr-34 March, 26, 2017 kuna saabsan magcaabis wasiiru dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah, waxaana loo magcaabay xilkaasi Burhaan Cilmi Xirsi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland

Markuu tixgeliyey:- aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo.

Markuu la tashtay:- Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Burhaan Cilmi Xasan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, waana saxeexay Madaxweynuhu,
Sidoo kale waxaa maanta 28 March 2017 lo dhaariyey xilkaasi Wasiiru dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah Burhaan Cilmi Xirsi, waxaana goobjoog ahaa munaasibada dhaarinta Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii loo dhaariyey Wasiiru Dawlaha Xilkaasi cusub kula dardaarmay inuu shaqadiisa si daacad ah u guto kana fogaado wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado shaqada loo igmaday.

”waxaad qaaday masuuliyad culus taas oo aad u qaaday dhammaan shacabka Puntland, waxaana lagaa rabaa inaad waajibaad kaaga siduu yahay u gudatid, adigoo ka fogaanaya wax walba oo shaqadada ku keenaya gaabis” ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

—-DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online