Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada Hirshabeelle

March 14, 2017 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha wasiirrada cusub ee Hirshabeelle ee uu dhowaan Soo magacaabay. iyadoo baarlamaan ka Hirshabeelle talaabada horumarka leh ay codka kalsoonida ku siiyeen Golaha wasiirada uu ku ammaanay.

Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad ahna ku ansixiyay xukuumada cusub ee uu Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble soo dhisay dhowaan, kuwaasi oo la filayo in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday, iyadoo Wasiirada maanta la ansixiyay ugu hambalyeeyay waajibaadka shaqo ee u bilaabatay, waxaana uu faray in bulshada ay tusiyaan waxqabad muuqda.

“Waxaan soo dhaweynayaa islamarkaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee dimuqraadiyada ah ee baarlamaanka Hirshabeelle u ansixiyeen wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo, Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Deeganada Hirshabeelle ahna danta shacabka ayaa waxay shacabka iyo caalamkaba tuseysaa in hay’adaheenna dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah,” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumadda cusub ay billowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee dadkeenu waxay ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Cosoble wuxuu hadalkiisa ku sheegay in baarlamaanka uu horyaallo ka doodista shaqooyinka laga sugayo iyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada loona baahanyahay in ay taasi xoojiyaan.


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

 

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online