Madaxweynaha JFS iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ku kulmay Muqdisho (Masawiro)

March 18, 2017 - Written by Editor

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa maanta gaaray  magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaaa uu kulan la qaatay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo doorka Midowga Afrika ay ka qaadan karto u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ujeedka Socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa la xiriiraa abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalka ciidanka AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online