Madaxweynaha JFS oo la Kulmay qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa Bannaan (Masawiro)

March 5, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.

Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab . Dagalkaas ayaa markii dambe looga xorreeyey argagixisada magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, islamarkaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha gurracan ee kooxaha aragagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa xaqiiqo ah inaad dhibaatooyin badan la kulanteen si la idinka hor istaago inaad bulshada u gudbisaan runta. Masuuliyad iyo waajibaad idin saaran ayaa jira, dowladdana masuuliyad iyo waajibaad saaran baa jira sidaad darteed waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna u nabadeyn lahayn.”

Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.”

……..Dhamaad……..

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online