Madaxweynaha JFS oo xafiiskii ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Debadda Britain.[Masawiro]

March 15, 2017 - Written by Editor

Muqdisho :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi farmaaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xog-hayaha arrimha debadda dowladda Britain Boris Jonhson oo maanta booqasho gaaban ku soo gaaraay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Dowladda Britain ayaa ka wada hadlay arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta xirriirka dowladaha Soomaaliya iyo Britain, abaaraha, amniga , maalgashiga Soomaaliya iyo sidii dowladda Britain u ballaarin lahayd tagaeerada ay ku bixiso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Debadda Britain, Mudane Boris Jonhson ayaa sheegay in dowladda Britain ay bixin doonto 110 Million Pound oo ay uga qeyb qaadaneyso abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain tageerada ay ku bixiso Soomaaliya islamarkaana ku baaqay in laga dhabeeyo ballan qaadyada.

Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Britain ee maanta booqsha ku yimid dalka ayaa ka wada hadlay Ajendayaasha shirka dhaqaalaha loogu aruurinayo Soomaaliya ee 11-ka bish May ee sannadkaan ka dhaci doona London.

—–Dhammaad—-

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online