Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u Ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka[Cod/Masawiro]

March 10, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 10 March 2017 safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabka, Kana duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Iyo weftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport ku sii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka isaga iyo weftigiisu ay ku aadeen Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Cabrabta uu la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalada Dawladda Puntland.

‘’waxaan maanta u ambabaxaynaa aniga iyo weftiga aan hogaaminayo safar kooban oo aanu ku tegi doono Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo aanu uga qayb geli doono hawlo la xiriira amniga iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Dawladda Puntland, illahay waxaan ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo socdaalkaas waxbadan oo khayr u ah Dawladda Puntland iyo shacabkeedaba aanu ka keeno kana soo faa’iidno’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dardaarmay shacabka Dawladda Puntlandd meel kast oo ay joogaanba inay ka shaqeeyaan nabad gelyadda, xasiloonida, karaamada iyo sharafta dalka, isla markaana ay wadda shaqayn dhow la yeeshaan ciidamada ku hawlan ilaalinta iyo sugida amnigooda si horumar iyo kala danbayn waarta dalku u helo.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u Ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/03/codka-Madaxweynaha.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

 

—DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online