Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe (Masawiro)

March 22, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Marcha 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Casimada Dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo cashacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey guulo lixaadle oo ay ka soo gaadheen safarkoodii, isagoona shaagay wadahadal ay la yeesheen Dalka Itoobiya ay ka guul gaadheen laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhowaan labilaabo doono labadaasi mashruucba.

‘’aniga iyo wefti Balaadhan oo aan hogaaminayey waxaanu mudo kooban ku maqnayn dalalka Itoobiya iyo imaaraadka, halkaas oo aanu ka soo hoyney guulo waawayn, waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba’’

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa nuxurka safar kaasi balaadhinta mashruuca dekeda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.

‘’waxaan kaloo tagnay Dalka isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo aanu u tagnay mashruucii balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, hawshaasina meel fiican ayay maraysey, waxaana uga soo tegey wefti uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, waxaan illahay ka rajaynayaa inuu guul ku soo dhameeyo’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey Ciidamada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka bada Puntland ‘’PMPF’’guushii ay ka gadheen soo qabashada markabkii dhowaan la af-duubtay, waxaana uu mahad iyana u soo jeediyey Dawladda Imaaraadka oo iyagu gacanta ku haya ciidanka Bada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa marlabaad ugu Tacsiyeeyey Shacabka Puntland, eheladii qarabadii, qoyskii, asxaabtii iyo gaar ahaan Baarlamaanka Puntland geeriddii alle ha u naxariistee xildhibaan Cabdiqaadi Faarax Bootaan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaagay in Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso dhamaystirka dhimaha DFS isla mar’ahaantaana Balanqaaday in ay si dhaw ula shaqaynayso Dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online